Dagaalka Qaza ayaa si toos ah u socda…Qarax ka dhacay magaalada Tel Aviv, waxaana wali sii socota Baabi,inta waqooyiga Marinka Qaza.

33
0

 

 

Waa Maalintii 383-aad ee duullaanka gardarrada ah ee Yahuuddu ay ku hayso Muslimiinta Walaalaheena ah Kusugan Qaza.

Dhanka kale idaacadda rasmiga ah ee Yahuuudda ayaa sheegtay in qarax laga maqlay magaalada Tel Aviv, taas oo muujinaysa in la hakiyay isu socodkii gaadiidka ee garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, xilli waqooyiga Marinka Gaza lagu xasuuqay, muddo 19 maalmood ah.

Dhankeeda, warbaahintaYahuudda ayaa sheegtay in gantaal lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Ramat David Military ee Marj Bin Amer, ee bariga Haifa, halka ambalaasta Yahuuddu ay xaqiijisay in ay heleen warar sheegaya dhaawacyo ka dhashay isbuurasho ka dhacday waddada oo ku sii jeedday goobo gabbaad ah. kadib markii gantaalo lagu garaacay bartamaha dalka.

Qaza, duqeymaha ka socda Marinka ayaa sii socday ka dib markii ay la wareegeen gacan ku heynta xarunta UNRWA ee xerada Jabalia, halka ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen in 70 Shaacabka falastiiniyiinta ah lagu dilay tan iyo waaberigii shalay oo Talaado ahayd, ayadoo 57 ka mid ahna lagu dilay waqooyiga Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here