Magaalada Al-Faashir ee gobolka Waqooyiga Darfuur ayaa markale wajahaysa xaalad dagaal oo kasii daraysa, iyada oo la xaqiijiyay in habeenimadii Jimcaha ay mar kale dhaceen iska hor yimaadyo dhex maray ciidamada milatariga Suudaan iyo Maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dawladda ayaa sheegay, in weerarkaasi si buuxda looga hortagay, islamarkaana ciidamada ay ku guuleysteen inay difaacyadoodii hore dib ugu xasilaan. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in saaka oo Sabti ah ay labada dhinac isdhaafsadeen weerarro culus, iyada oo ciidamada Suudaan ay duqeymo ka fuliyeen goobo ay ku sugnaayeen xooggaga RSF, halka maleeshiyaadkuna ay kaga jawaabeen madaafiic ay ku garaaceen saldhigyada ciidamada dawladda ee u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Al-Faashir.
Milatariga dawladda Suudaan ayaa shalay Jimcihii shaaciyay, in ay fashiliyeen weerar ballaaran oo ay RSF ku qaaday caasimadda gobolka, waxayna sheegeen in ay u geysteen khasaarooyin culus oo naf iyo hantiba leh. Bayaan kasoo baxay ciidamada dawladda ayaana lagu xusay, in guutooyin ka tirsan ciidamada dawladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan aagagga uu dagaalku ka dhacay.