Dagaallo khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Yahuudda oo Ka Dhacay Jenin iyo Nour Shams ee Dhulka Daanta Galbeed.

19
0

Ilo-wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay, in iska-hor-imaad xooggan uu subaxnimadii Khamiista ku dhex maray dagaalyahannada wax-iska-caabbinta iyo ciidamada Yahuudda ee ku sugan xeryaha Jenin iyo Nour Shams, ee bariga woqooyiga Daanta Galbeed.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa xaqiijisay in diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Yahuuddu leedahay ay bambooyinka qarxa ku dhufatay guryo la dagan yahay oo ku yaalla xerada Jenin.

Fiidnimadii Arbacada, 3 Falastiiniyiin ah ayaa waxaa toogtay ciidamada gumeysiga xilli ay isku dayayeen in ay galaan xerada Jenin, kuwaas oo u socday si ay u hubiyaan guryihii ay kabarakaceen.

Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale sheegay in Yahuuddu ay sii wadaan duulaanka ay ku hayaan dhulka Daanta galbeed ayagoo ciidamo hor leh iyo cagaf-cagafyo u diray mandiqada, si ay u burburiyaan kaabayaasha hantida ee rayidka.

Tulkarm, ilo-wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in qof Falastiini ah oo ka soo jeeda magaalada Allar lagu dilay iska horimaad hubaysan oo ka dhacay xerada Nour Shams ee bariga Tulkarm, halka Channel 13 ee Yahuudda uu sheegay in askari ka tirsan qaybta Maglan uu ku dhaawacmay iska hor imaad hubaysan oo ka dhacay xerada Nour Shams.

Dhanka kale guutada Al-Qasaam ee garabka melleteriga ee Xamaas ayaa shaaca ka qaaday in weeraro gaadmo ah oo ay la kaashanayaan kooxaha wax iska caabinta ee Danta galbeed ay ku qaadeen ciidamada gumeysiga ee ku sugan xerooyinka “Nour Shams” iyo “Tulkarm” ee ku yaalla waqooyiga Daanta galbeed ee la heysto.

Bishii Janaayo 21-keedii, ciidamada gumeysiga ayaa duulaan militari ku qaaday waqooyiga Daanta Galbeed, iyagoo dulaankooda ka bilaabay magaalada Jenin iyo magaalooyinka ku xeeran, taasoo keentay inay shahiidaan 25 Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here