Dagaallo culus oo maanta ka dhacay duleedka degaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan ayaa sababay khasaare xooggan oo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka la xaqiijiyay in hal askari lagu dilay, halka shan kale ay dhaawacyo culus iyo fududba soo gaareen.
Dagaalkan ayaa qeyb ka ah iska horimaadyada joogtada ah ee ka dhacaya gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada Dowladda Federaalka lagu gaarsiyay khasaaro aad u xooggan.