Dagaallo Maanta Lagu Jabiyay Ciidamada DF oo Ka Dhacay Deegaanka Labo-Garas ee Duleedka Dagmada Cadale.

17
0

Wararka nagasoo gaaraya gobalka Shabellada dhexe ayaa sheegaya, in maanta halkaas ay ka dhaceen dagaalo tiro Labo jeer ah lagu jabiyay ciidamada dawladda Fadaraalka, iyadoo halkaas qasaaro culus lagu gaarsiiyay maleshiiyadkii ashamudka ahaa ee maalmahan dambe lagu dabulayay furimaha dagaalka.

Dagaalkan maanta dhaca ayaa si gaara loogu jabiyay maleshiyaadka Bangaraftiga oo  ay taageerayeen diyaaradaha Mareykanka, waxaana halkaas looga dilay  7 askari, halka lagu dhaawacay  6 kale.

Dagaalkan ayaa imaanaya ayadoo shalay Talaadadii ciidamada dawladda fadaraalka jab culus lagu gaarsiiyay weerar kamiin ah oo ka dhacay deegaanka Warsha-Sheekh ee hoostaga degmada Cadale, ayadoo halkaas looga dilay ku dhawaad 20 iskugu jira askar iyo sarakiil ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here