Dagaallo Toos ah oo Dhexmaray Urur Xizbullaahi Iyo Sahaayinada.

14
0

Waxaa maalintii toddobaad oo xiriir ah ka socda magaalada Khiyaam ee bariga dalka Lubnaan iska horimaadyo u dhaxeeya dagaalyahannada Xisbullaah iyo ciidamada Yahuudda.

Xisbullaah ayaa habeenimadii Axadda sheegtay, in markii lixaad ay duqeeyeen goob ay isku uruursanayeen ciidamada Yahuudda oo ku taalla bariga magaalada Khiyaam, waxayna sidoo kale weerar ku qaadeen isku imaatin ay ciidamadan ku lahaayeen koonfurta magaaladaas.

Ilo dhanka ammaanka ah oo kasoo jeeda Lubnaan ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada Yahuudda ay gudaha u galeen xaafadaha koonfureed ee magaalada, ayna isku dayayaan inay ugudbaan dhanka galbeed iyo bariga magaalada, halkaas oo ay ka socdaan iska horimaadyo u dhaxeeya labada dhinac.

Wararka ayaa intaas  tibaaxaya in ciidamada Yahuudda ay qarxiyeen tiro guryo ah oo ku yaalla xaafado ka tirsan magaalada Khiyaam.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay, in ay gantaallo ku garaaceen ciidamada Yahuudda xilli ay ku sii socdeen in ay la baxaan taangi la burburiyay oo ku sugnaa duleedka galbeed ee magaalada Deir Mimas, waxaana markii labaad ay beegsadeen isku imaatin ay ciidammada cadowga ku lahaayeen saddex xagalka Deir Mimas ee Kafr Kila.

Xisbiga ayaa sidoo kale gantaallo ku weeraray deegaanada Shtula iyo Avivim, waxayna sidoo kale weerareen  goob ay isugu yimaadeen ciidamada cadawga Yahuudda ee ku sugan magaalada Shama.

Sidoo kale  Xisbullaah waxay sheegtay, inay burburisay 4 taangi oo ah nooca loo yaqaan Merkava oo ay ku rakiban yihiin gantaallo la hagayay, kaas oo ku sugnaa magaalada Baydada, iyadoo  askartii saarnaa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen taangiga oo marayey buurta Loubiya ee galbeedka ka xigta magaalada Deir Mimas.

Dhinaca kale war ka soo baxay ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay, in ciidamadoodu ay weerareen ilaa 150 bartilmaameed oo ku yaalla koonfurta Lubnaan ayna meesha ka saareen tobaneeyo dagaalyahano ah oo ku sugnaa goobta, waa siday hadalka u dhigeene.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here