Dagaalyahanada wax iska caabinta falastiiniyiinta ayaa dagaallo toos ah kula jira ciidamada gumaysiga ee gudaha xerada Al-Fara, oo ku taala koonfurta Tubas ee dhacda woqooyiga daanta galbeed, dagaaladaas ayaa dhacay Saacado un kadib markii 4 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen rasaas ciidamada guumaystaha Yahuudu ay ku fureen dad shacaba oo ku sugnaa magaalada Nabulsi.
Ilo wareedyo falastiiniyiin ah ayaa sheegaya in dagaalyahannada wax iska caabinta Falastiiniyiinta, ay la beegsadeen walxaha qarxa baabuur ay wateen ciidanka Yahuuda oo ku sugnaa xerada Al-Faraa ee koonfurta Duubas.
Hay’ada Bisha Cas ee falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ciidamada Yahuudu ay xireen mid ka mid ah shaqaalaheeda ka hawl gala xerada Al-Faraa ee koonfurta Duubas.
Magaalada Khaliil ee koonfurta Daanta Galbeed, waxaa ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay Falastiiniyiinta iyo ciidamada gumeysiga, kadib markii ay ciidamada Yahuudu xoog ku galeen magaalada Saacir oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Khaliil.
Ilo wareedyo falastiiniyiin ah ayaa sheegay in gawaari ay leeyihiin ciidamada gumeysiga Yahuudu, ay xoog ku galeen magaalada Bayt-Ummar oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Khaliil.