Iska hor-imaadyo xooggan oo u dhexeeyay ciidanka Suudaan iyo Maleeshiyaadka RSF ayaa shalay ka dhacay galbeedka magaalada Omdurman, iyadoo Malatariga Suudaan ay gacanta ku dhigeen Xerada Eagles Camp, oo ay leeyihiin Ciidanka Kaydka Dhexe ee dalkaas, taas oo ku taalla Koonfur-galbeed ee magaalada Omdurman, kadibĀ daallo gacmaha la iskula tagay oo ay halkaasi kula galeen Ciidanka Taageerada Degdegga ah dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidamada Suudaan ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah, kuwaas oo isku dayayay in ay gudaha u galaan tiro tuulooyin ah oo ka tirsan deegaanka Aljamaacah ee koonfurta magaalada Omdurmaan.
Dhanka kale, Ciidanka Suudaan ayaa shaaciyay, in 7 qof oo rayid ah ay ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, duqeymo aan loo meel dayin oo ay maleeshiyaadka RSF ku garaaceen Magaalada A-Fasher ee galbeedka Suudaan, dadka dhaawacyada ah ayaana loo taxaabay xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada dalkaasi.
Waxay intaasi ku dareen, in 10 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay lahaayeen ciidamada Tageerada Degdega ah ay burburiyeen, kadib weerar kamiin ah oo cutubyo ka tirsan malatarigooda u dhigeen canaasiir ka tirsan maleeshiyaadkaas oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday koonfur-bari ee magaalada Al-Fasher, weerarkaas oo sidoo kale sababay dhimashada tiro badan oo ka mid ahaa ciidamada Taageerada Degdega ah.
Daagallada u dhexeeya malatariga dalkaas iyo xogagga Taageerada Degdega ah ayaa halkooda kasii socda, iyadoo cidda ugu badan ee ay dhibaatadu soo garaysa yihiin dadka shacab ah ee aan isdifaaci Karin, kuwaas oo marwalba dhimaso iyo dhaawac ku noqda dagaallada sii saddax sano jirsanaya ee ka holcaya dalka Suudaan.