Wararka ka imaanaya dalka koongo ee dhaca bartamaha Afrika ayaa sheegaya in Iska horimaadyo hubaysan ay dib uga bilowdeen magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, halkaasoo oo ay maamulaan falaagada M-23 ee lagu eedeeyo inay gacansaar dhow la leeyihiin dawladda Rwanda.
War qoraal ah oo ay dawladdu soo saartay ayaa lagu sheegay, in iska horimaadyadan ay sababeen dhimashada 52 qof oo ka soo jeeda magaalada Goma iyo tuulooyinka ku xeeran, iyadoo ay halkaas ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, dadka deegaanka ayaana sheegaya, in dagaalladan cusub ay yihiin kuwii ugu xumaa ee noocooda ah oo ka dhaca Goma tan iyo markii ay dagaaladu ka qarxeen bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
Iska hor-imaadyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhinacyada isku haya talada dalkaas ay kulamo ku yeelanayaan magaalada Dooxa ee casimada Qadar, si loosoo afjaro colaada ragaadisay dalka Koongo tobankii sano ee lasoo dhaafay.