Dagaalo Lagu Jabiyay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

47
0

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helaayo dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay duleedyada magaalada Moqokori iyo degaanka Tardo oo kawada tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegaya in khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac farabadan isugu jira, lagu gaarsiyay maadaama dagaalladu ahaayeen kuwo aad u culus, oo dhowr jeerna lagu jabiyay.

Ugu yaraan 13 askari ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana lagu dhaawacay 30 kale, iyadoo ay suuragal tahay, in uu sii kordho khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee soo gaaray ciidanka dowladda fedaraalka, maadaama marba marba ka dambeysa uu isa soo tarayo xogta laga helaayo khasaaraha.

Dagaalladani waxay kusoo aadeen, xilli ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay mudooyinkii lasoo dhaafay la wareegayeen degaanno muhiim ah oo katirsan gobolka Hiiraan, oo uu kamid yahay degaanka Yasooman iyo buurta istaraatiijiga ah ee halkaasi ku taalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here