Dahabshiil Bank oo u Hogaansantay Amarka Xarakada Alshabaab.

58
0

War saxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Dahabshiil ayaa lagu sheegay in 

shirkadda ay joojisay qaadista canshuurta ay dowlada Xasan Sheekh ay ku soo kordhisay shacabka Soomaaliyeed.

 Shirkadda Dahabshiil oo ah mid ka mid ah shirkadaha dalka Soomaaliya ugu waa wayn ayaa u hiiliyay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Isbuucii hore ayay ahayd markii xarakada Alshabaab ay ku dhawaaqday in ay talaabo adag ka qaadayso shirkadaha iyo bank yada u hogaansama amarka dowlada federaalka Soomaaliya ee ku kordhisay canshuurta.

Afhayeenka xarakada mujaahidiinta Alshabaab, Sheekh Cali Dheere.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay muddo hal isbuuc ah, oo ka billaabanaysa berri ay oo taariikhdu tahay 22 Safar 1446H oo ku beegan 26 Agoosto 2024, hantidooda kagala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynaya boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada, waxaan dadweynaha u sheegeynaa in haddii ay mudadaas ugala bixi waayaan hantidooda ay iyagu qaadayaan mas’uuliyada wixii ka yimaada arintaa iyada ah.” Ayuu yiri afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere.

Dhanka kale war saxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Dahabshiil ayaa lagu sheegay in ay gabi ahaanba joojiyeen ka jarista macaamiisha isticmaala Dahabshiil canshuurta dowlada federaalka Soomaaliya ay ku soo kordhisay bulshada.

“Dahabshil Bank International (DBI), waxa uu ku wargalinayaa dhamaan macaamiishiisa in aanay cashuurta iibka ee 5% VAT ka ah, wax saameyn ah ku laheyn xisaabtooda shakhsiga/ganacsiga ah ee baanka uga furan iyo dhaqdhaqaaqa maalin-laha ah, iyo sidoo kale lacagaha dibadda looga soo diro ama ay u diraan.

Adeega Merchant Accounts-ka ee ay khuseyso cashuurta iibku ee 5%-ka ahi kama mid ah adeegyadda Dahabshiil Bank uu bixiyo.

Allah ayaa mahad leh.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Dahabshil Bank International (DBI).

Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay go’aan Dabashiil Bank.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here