Dalal uu kamid Yahay Sacuudiga oo ku Dhawaaqay inay Barito Tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

21
0

Dalal badan ayaa caawa ku dhawaaqay in la arkay bisha barakeysan ee Ramadaan ee sanadka 1446-ka, iyadoo aan laga arkin dalal kale.

Sidaas darteed, Sabtida ayaa noqon doonta maalinta koowaad ee bisha barakeysan marka la fiiriyo dalalka Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, Saldanada Cumaan, Falastiin, Yemen iyo Indonesia.

Dalka Ciraaq, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, in Sabtida ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan, halka xafiiska wadaadka Shiicada ah ee Cali Al-Sistani uu ku dhawaaqay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee bisha.

Dhinaca kale, Malaysia, Singapore, Thailand iyo Cambodia ayaa ku dhawaaqay, in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here