Wadamada Carabta ayaa cambaareeyay qasashada Yahuudda ee qaybo kamida dalka Suuriya, kaddib markii ay Sahaayinadu ku dhawaaqeen inuu burburay heeshiiskii Yahuudda iyo Suuriya ee 1974-kii lagu heshiiyay in aysan labada ciidan iskusoo dhaafin aag ka caagan difaaca.
Yahuuddu waxay fursad u arkeen afgambigii talada dalka looga tuuray Bishaar Al-Asad, kaas oo ay kacdoon wadayaashu ku qabsadeen taladii dalka, ciidamadan talada dalka la qareegay ayaa ah ciidamo suni ah oo ka amar qaata Al-Jawlaani, waxayna Yahuuddu isku dayaysaa inay ka faaidaysato wakhtigan kala guurka ah.
Waxaa Bayaan wada jir ah – oo lagu muujinayo in loogasoo horjeedo weerarka Yahuudda – soo saaray dalalka Imaaraadka Carabta, Masar, Saldanada Cumaan iyo Aljeeriya, kaddib markii ay sidan oo kale Bayaan loogasoo horjeedo weerarkaas ay usoo saareen dawladaha Sucuudiga, Qatar, Kuwait, Jordan, Ciraaq iyo Jaamacadda Carabta.
Dhaqdhaqaaqayada Falastiiniyiinta ee aan dawliga ahayn, ayaa Bayaan ay soo saareen ugu baaqay dhammaan dalalka Carabta, inay si deg deg ah uga hortagaan weerarada iyo dhibaatooyinka xadgudubyada ah ee ay Yahuuddu ku hayso dalka Suuriya, kuwaas oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan dhul hor leh oo ka tirsan Suuriya.
Raadiyaha Ciidanka Yahuudda ayaa sheegay Isniintii, in ciidamada Sahaayinadu ay gudaha u galeen aagga difaaca ee Suuriya, iyaga oo sii wada in ay weerarro waaweyn ka gaystaan gudaha dalka Suuriya, waxayna uga gol lee yihiin in ay ku burburiyaan hubkii dawladda Suuriya, si aysan gacanta ugu galin maamulka cusub ee Suniyiinta ah ee talada dalka Qabsaday.