Dalka Argentin oo ku Dhawaaqay Inuu ka Baxayo Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO.

28
0

Madaxweynaha Argentin ayaa amar ku bixiyay in dalkiisa uu ka baxayo ururka caafimaadka aduunka, isagoo u sababeeyay “kala duwanaansho qoto dheer” oo kala dhexeeya hay’adda UN-ka, waxaa sidaas shalay Arbacadii afhayeenka madaxweynaha dalkaas .

Go’aanka Madaxweynaha Javier Milei ayaa raacay wadadii uu maray, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo amar ku bixiyay maalinkii ugu horaysay ee uu talada Maraykanka qabtay, in dalkiisa laga saaro Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Arintan ayaa noqonaysa in labo dal oo dhaqaalo xooggan siin jiray Hay’adan ay haatan goosteen kaalmadii ay siin jireen, in kasta oo Argentin ay bixin jirtay tabarucaad gaaraysa $8 milyan oo doolar, iyadoo miisaaniyadda ururku uu yahay sanadkiiba  illaa $6.9 bilyan oo doolar.

Go’aanka Argentina ayaa loo cileeyay kala duwanaansho qoto dheer oo xagga maareynta caafimaadka ah oo dalkaas kala dhaxaysa ururkan, gaar ahaan intii lagu jiray masiibadii Covid-19.

Afhayeenka madaxwaynaha dalkaas ayaa carabka ku adkeeyay in Argentina aysan u ogolaan doonin urur kasta oo caalami ah uu farageliyo madax-banaanideeda, dalkeeda gaar ahaan dhinaca caafimaadka.

Hay’ada WHO ma laha awood ay ku amarto wadamadu inay qaadaan tillaabooyin caafimaad oo gaar ah. Hay’adan oo ay horay u aas aaseen dawladaha reer galbeedka ayaa haatan wajahaysa dhaqaalo xumo baahsan, kaddib markii deeqsiiyayaashii ugu waawaynaa ay kala laabteen kalsoonidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here