Shacabka ku nool Saldana Cumaan ayaa qaadacay shirkadaha iyo hay’adaha ku taageersan Yahuudda dagaalka ay ka waddo Marinka Gaza iyo Lubnaan, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo saameynta ay arrintan ku leedahay dhaqaalaha gudaha ee dalkaas.
Natiijooyinka qaadacaada ayaa soo ifbaxay tan iyo markii uu bilaawday howlgalkii Duufaanta Al-Aqsa Oktoobar 7-dii sanadka 2023, iyadoo dalabka maqaayado iyo baarar badan oo taageersan gumaystaha Yahuudda ay hoos u dhacday, halka shirkado badanna ay xireen faracyadoodii ay ku lahaayeen gudaha Cumaan, waxaana oogu dambeeyay goobaha ganacsiga ee xirmay laanta shirkadda Carrefour oo ku taalla gobolka Barka ee waqooyiga Cumaan.
Dabeecadahii iibsadayaasha ayaa isbedeshay, waxayna lama huraan ka dhigeen in marka hore la hubiyo calaamadda badeecadda si loo ogaado in ay badeecaddu ku jirto liis badeecadaha ay qusayso qaadacaada iyo in kale, dad badan oo wax iibsanaya ayaa hadda isticmaalaya habab kala duwan oo ay kamid yahiin telefoonadooda, si ay u xaqiijiyaan in ay badeecadu ku jiro liiska alaabta la qaadacay.
Falanqeeyaha siyaasadda iyo madaxa ururka suxufiyiinta Cumaan, ninka lagu magacaabo Muhammad Al-Araimi, ayaa ku nuuxnuuxsaday in qaadacadu ay tahay midda ugu yar ee lagu taageeri karo dadka reer Falastiin, isagoo tilmaamay saamaynta togan ee cad ee ka dhashay ololahan.
Al-Araimi ayaana usheegay Al-Jazeera, in ay Qaadacadu calaamad cad u tahay in shirkadahaas ay dhaqaalo ku bixiyaan taageeridda kayaanka Sahaayinada, iyadoo ay dhanka kala kor uqaadayso macnawiyaadka shacabka reer Falastiiniyiinta, Al-Araimi ayaana carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la sii wado ololahan.
Cilmi-baare ku takhasusay dhaqaalaha oo lagu magacaabo Calawi Al-Mashour waxa uu aaminsan yahay, in qaadacadu ay saamayn togan ku yeelatay dhaqaalaha gudaha ee Cumaan, maadaama ay ka qayb qaadatay arimaha soo socda:
- Yaraynta adeegyada ay dibadda uwareejiyaan shirkadaha xiriira la leh wakaaladaha ganacsiga ee caalamiga ah.
- Waxay siisay fursad kor u kaca shirkadaha maxalliga ah.
- Waxay gacan ka gaysatay kor u qaadida dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee gudaha Saldanada Cumaan.
Al-Mashhour ayaa sidoo kale tilmaamay, in Qaadacdadu ay usahashay shirkadaha maxaliga ahi in ay koraan, maadaama ay horay oogu adkayd in ay la tartamaan shirkadaha caalamiga ah, qaacadda la saaray shirkadaha caalamiga ayaana usuura galisay in ay helaan fursad ay ku horumariyaan awoodooda.
Waxa uu intaa ku daray, in warshadaha iyo waxyaaha tafaariiqdaba ay marag ka yihiin koboca cajiibka ah ee ku yimid dhaqaalaha Saldanada Cumaan, waxa kale oo ka faa’iidaystay arinkaan maqaaxiyaha iyo baararka maxaliga ah, kuwaas oo balaartaay, joogitaankoodii suuqana uu kordhay, halka saamiga shirkadaha caalamiga ah sida: Starbucks, McDonald’s, iyo wixii la mid ahna uu hoos udhacay.
Al-Mashhour wuxuu sidoo kale aaminsan yahay, in tallaabooyinkan lagu qaadacay shirkadaha Sahaayinada taageera ay ku kor uqaadeen wax soo saarka shirkado badan oo yaryar, kuwaas oo laga lahaa dalka Cumaan, taas oo horseeday balaarinta saamigooda suuqa maxalliga ah.
Waxa uu intaas ku daray in qaadacaadan ay kor uqaaday saamiga warshadaha, iyada oo iibka badeecadaha ay ka mid yihiin saabuunta Cumaan iyo shirkado kale oo soosaara alaabo kale ay aad u kordheen, kuwaas oo saamigooda dhaqaale uu aad u hoosayn jiray wakhtiyadii hore, balse hada laga dareemayo sare ukac xooggan, kaddib markii ay bateen dalabaadkooda ay soo dalbanayaan dadka ku dhaqan dalkaas.
Tiro ka mid ah dukaamada iyo xarumaha ganacsiga ayaa ku dhawaaqay qaadashada siyaasadd cusub oo qaadacaad ah, iyaga oo beegsanaya kaliya wax soo saarka shirkadaha taageera Sahyuuniyadda, halka dukaamada qaarkood ay dalabkoodii u weeciyeen wax yaabaha ay soo saran shirkadaha dalka la leeyahay ee lagu soo qoro “Made in Oman” iyada oo la tixraacayo shuruucda qaadacaada ee hormuudka bukshadu ku dhawaaqeen, taas oo ka tarjumaysa heerka uu gaarsiisan yahay doorka qaadacaadda dhaqaale ee ay wado Saldanada Cumaan.
Mansour Al-Amriki, oo ah maamulaha guud ee suuqa Al Raha Hypermarket, oo ka mid ah suuqyada tafaariiqda ee dalka Cumaan, ayaa tilmaamaya in kooxdiisa shaqadu ay dadaal weyn ugu jiraan, sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga macaamiishooda ee ku saabsan muhiimada qaadacaada, ee wax soo saarka shirkadaha Yahuudda.
Al-Amriki mar uu la hadlayay warbaahinta Al-Jaziira wuxuu yiri, “Waxaan helnay macaamiil badan oo aan si ku filan u aqoonin magacyada alaabooyinka la qaadacayo, marka waxaan si toos ah ugu sharaxnay shirkadahaas, kuwaas oo an ka helnay jawaab celin ballaaran, waxaanan noqonnay tusaale muuqda oo ay ku daydaan dukaamada kale”.
Al-Amriki oo ka hadlayey caqabadaha hortaagan hirgelinta hindisahan, waxa uu intaas ku daray: “Waxaanu si tartiib-tartiib ah u joojinay bixinta alaabaha ay soo saaraan shirkadaha aan qaadacanay ee Yahuudda taageera, waxaanu abuurnay waxyaabo kale oo ka duwan kuwa aan qaadacnay, kuwaas oo aan ka helnay dalalka Carabta iyo dalalka kale ee Islaamka ah, sida Malaysiya, Turkiga iyo Iran, kuwaas oo nagu dhiiri galiyay in aanu balaarino dedaalkayaga ku aadan qaadacaada, waxaanu ku guulaysanay inaan keeno alaabo kale oo ka tayo badan kuwa ay soo saaraan shirkadaha Yahuudda ee aan qaadacnay, waxaan maanta ku dhownahay inaan Boqolkiiba boqol aan ku guulaysano dadaalkeenii ahaa qaadacaada”.
Isbeddelkan ayaa ahaa mid si weyn ay ugu riyaaqeen reer Cumaan, ma aha oo kaliya mid looga gol lee yahay in lagu wiiqo dhaqaalaha Sahaayinada, sidoo kale waxay kor u qaadaysaa dareenka shacabka Cumaan, ee u hiilinta walaaladeen Falastiin iyo la jirka qadiyada Qudus, waxayna sidoo kale ku dhiirigelinaysaa dukaamada kale inay ayaguna qaadan talaabo tan lamida.
Culimadu waxay door muuqda ku lahaayeen taageeridda ololahan qaadacaadda ah ee lagaga dhawaaqay Saldanada Cumaan, waxayna u arkayeen inay tahay waajib diini ah oo ay culimadu madax ka yihiin, kuwaas oo sheegay in qaadacaadu ay dawr wax ku ool ah ku leedahay, wiiqida dhaqaalaha maamulka Yahuuddu uu udeegsanayo gumaadka shacabka Falastiin.
Waxaa door muhiima ka qaadanaya qaadacaada wax soo saarka shirkadaha Sahaayinada, qoraayaasha, aqoonyahannada, warbaahinta dalkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo arintan u noqday tiir-dhexaad, shacabkana ku dhiirigaliyay inay qayb wayn ka qaataan dadaallada wadajirka ah ee lagu garab istaagayo shacabka Falastiin.
Sultan Al-Rashidi oo ah cilmi baare u dhashay dalkaas, oo warbaahinta Aljazeera la hadlay, ayaa bogaadiyay dawrka ay culimadu ka qaateen dhiirigelinta ololahan, isagoo carabka ku adkeeyay in hadalkoodu uu saamayn weyn ku yeeshay wacyiga bulshada, iyo muhiimadda ay qaadacaaddan leedahay.
Baraha bulshada ayaa sidoo kale, kaalin weyn ka qaatay isku duubnida bulshada ee dhaqdhaqaaqa qaadacaadan, ayagoo ay dadku isku dhaafsanayeen magacyada alaabaha ay soo saaraan shirkadaha taageera Sahaayinada, si ay dadku uga diktoonaadaan inay gataan.