Booliska dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday, inay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu weerar ku qaado safaaradda Yahuudda ee ku taalla galbeedka magaalada London ee caasimadda dalkaas.
Waxa ayna intaasi ku dareen, inay qabteen ninkan kadib markii uu isku dayay inuu galo safaaradda Yahuudda isaga oo aanan wax ogalaansha ah haysanin, iyagoona tibaaxay, inuu ninkaani haystay toorray uuna doonayay inuu fuliya waxa ay ugu yeereen falal argigixiso oo ka dhan ah xubnaha Yahuudda ee halkaasi ku sugan. sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Mid kamida booliiska London oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Waxaan si dhow ula xiriirnay mas’uuliyiinta safaaradda Yahuudda, waxaana aaminsanahay in tuhmooyinkaan ay iyaga si gaar ah cabsi ugu abuuri doonta.” Ayuu yiri mas’uulkan isagoo oo dajinaya qalqalka iyo qoobgariirka ay dareemeen xubnaha safaaradda Yahuudda kadib markii lala wadaagay khabarkaas.
Waxaana Xusid mudan, in safaaradaha Yahuudda ee caalamka ay marar badan la kulmeen weerarro ay fuliyeen dhallinyaro Muslimiin ah oo u aargudaya ehelkeena reer Falastiin ee ay Yahuuddu ku xasuuqayso marinka Ghaza.