Dalka Mareykanka oo Maanta Markale uu ka Dhacay Shil Diyaaradeed oo ay Dad ku Dhinteen.

13
0

Maamulka Duulimaadyada Federaalka ee Mareykanka ayaa Maanta ku dhawaaqay, in diyaarad yar oo ay saarnaayeen illaa iyo lix qof ay ku burburtay waqooyiga gobolka New York ee dalkaas.

Maamulka Duulimaadyada ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in diyaarad nooceedu ahaa Mitsubishi U-2B ay ku burburtay beer ku dhow magaalada Koobaak ee New York, taas oo siday lix qof.

Dhankeeda wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa maamulka duulista iyo booliiska deegaanka ayaa sheegtay, in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay shilkaasi.

Shilkan ayaa noqanaya kii saddaxaad oo dalka Mareykanka ka dhaca afar maalmood gudahood, kan koowaad ayaana ahaa, diyaarad helikobter ah oo ku dhacday webiga Hudson ee u dhow New York, halkaasoo ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa oo tiradoodu ahayd lix qof, halka kan labaadna uu ka dhacay gobalka Florida, kaas oo isna ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa oo iyagana tiradoodu lagu sheegay saddex qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here