Dalka Suuriya oo lagu Qabtay Midkamida Saraakiishii Sirdoonka ee ugu Waynaa Nidaamkii Talada laga Tuuray ee Bashaar Al-Asad.

8
0

Dowladda cusub ee Suuriya ayaa gacanta ku dhigtay, sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka ciidamada cirka ee nidaamkii Suuriya ee talada laga tuuray, kaasoo ku lug lahaa dilal loo geystay dad Suuriyaan ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sida uu shaaciyay, Afhayeen rasmiga ah ee dowladdaas, Mohammad al-Fasiil.

Al- Fasiil ayaana tibaaxay, in Agaasinka Amniga ee Allaadiqiyah ay xabsiga u dhaadhiciyeen Sarreeye Guuto Suleymaan Attaynaawiy, kaas oo ku lug lahaa dembiyo dagaal oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan xasuuq bishii Luulyo 2016-kii ka dhacay magaalada Jayruud ee baadiyaha Dimishiq.

Waxa uu xusay, in Attaynaawiy uu mas’uul ka ahaa isku xirka madaxda ururka Xisbullaah iyo kooxaha Shiicada ee ka jira Suuriya, isagoo intaasi ku daray, in sarkaalkaasi loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, islamarkaana Maxkamad la soo taago.

Attaynaawiy ayaa kasoo jeeda magaalada Jayruud ee baadiyaha Dimishiq, waxa uuna in muddo ah u shaqaynayey sirdoonka ciidamada cirka oo ka mid ahaa hay’adaha sirdoonka ee ugu naxariista darnaa nidaamkii la afganbiyay ee Bashaar Al-Asada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here