Itoobiya waa dal ay Soomaaliya kalasoo dhaxaysay cadaawad fog oo ku salaysan diin, isir iyo dhul intaba, taas oo soo socotay tan iyo qaniyo badan, dawladihii is xigxigay ee soo kala dhaxlayay talada dalkaas, dhamaantood waxay ka sinaayeen la dagaalanka wixii Islaam sheegta oo ku dhaqan dalkan Soomaaliya.
Wixii ka dambeeyay burburkiii dawladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, Itoobiya ayaa marar badan isku dayday inay sicad u qabsato Soomaaliya, balse waxaa intaa ka hor taagnaa dad Soomaaliyeed oo diin iyo dadnimaba ku dhaamay dadka maanta nool ee dalkooda laisku hor beecayo hadana aanka dhiidhinayn.
Tan iyo markii la aasaasay waxa ay ugu yeeraan hawlgalka AMISOM, dawladan ayaa qayb wayn ka ahayd hawlgalkaas, waxayna marar badan Soomaaliya kusoo daabushay kumanaan askar Xabashi ah oo aan xitaa kamid ahayn AMISOM, madaxdii soo kala dhaxlay talada dalkan ayaa lahaa halku dhigyo ay ku cadaynayeen inay ayagu lee yihiin dhamaan dhulka ay dagaan Soomaalidu, waxayna xaqiijinta hadafkaas u mareen wado kasta oo ay umari kareen.
18 Sano kahor oo ku beegan wakhtigii uu dhacay dagaalkii taariikhda baalka dahabka ah kagalay ee Idaale, kaas oo lagu jabiyay Xabshidii uu soo hor kacay dabadhilifkii wakhtigaas madaxwaynaha ka ahaa xukumadii kumeel gaarka ahayd ee Cabdullahi Yuusuf Axmed, ayaa ugu dambayntii qabsaday magaalada Muqdisho, waxayn calankooda ka taageen wasaaradii gaashandhiga ee magaalada Muqdisho, maalinkaas waxaa magaalada Addiss Ababa hareeyay dabaaldagyada ay Xabashidu ku muujinayso qabsashada caasimadii umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Ciidamadan Xabashida ah markay magaalada Muqdisho qabasadeen ayay hadana u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Balcad oo katirsan gobolka Shabeellada Dhexe, magaaladan ayaaa u ahayd magaalo taariikhiya oo ay ciidamada Xabshida Itoobiya ku taamayeen inay mar qabsadaan, dhammaan baqoradii dalkaas soo maray ayaa Balcad u arkayay goob barakaysan oo kamid ah dhaxalka ay awoowayaashood uga tageen.
Damaca Itoobiya ee hada fagaaraha yaalla ayaa kawayn qabsashada 20 Kiiloomitir oo badda ah ama kamid ahaanshiyaha hawlgalka cusub ee AUSSOM, balse damacan ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii cadaanaya, waxaana arintan fududaynaya madaxda dhiig-mirtada ah ee ka shaqeeya danaha dawladaha shisheeye.
Xukuumada Xassan Sheekh ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay is afgaradkii Musa Biixi iyo Abiy Axmed ee horaantii sanadkan ka dhacay magaalada Addis Ababa, fagaarayaasha la taagnayd inay dawladda Itoobiya xiriirka u jarayso, ciidamada soo dulaysha ah ee dalka joogana ay kasaari doonto kuwa Itoobiya, arintan ayaa kusoo idlaatay tagi taankii Xassan Sheekh uu ku tagay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaas oo amaan kala duldhacay ciidamadii Xabashida ahaa ee gumaadka ka gaystay dalkeena, kuna tilmaamay inay yihiin halyeeyo Soomaaliya u huray naftood.
Heshiiskan dhex maray Xassan Sheekh Maxamud iyo Abiy ayaa daarnaa dhawr qodob oo kala ahaa;
Kow: in lailaawo wax kasta oo Labadan dal dhex maray oo dagaal aha, taas oo ka dhigan in Umadda Soomaliyeed iska ilaawaan dib usoo ceshashada dhulka ay haatan haysato Itoobiya ee Soomaali Galbeed.
Labo: shacabka Soomaaliyeed inay Ciidamada Itoobiya u ictiraafaan inay yihiin naf hurayaal dalkooda u huray dhiigooda, sidaasna ay kusii joogaan qaybaha ay dalka ka haystaan, sida Gedo, Bay iyo Hiiraan, hadana ay donayso inay qaybo kale sii qabsato.
Sadex: arinta ugu way nee shairka loo qabtay oo ahayd in Abiy Axmed loo saxiixo qaybo kamida Badda Soomaaliya.
Dhamaan qodobadan oo qalinka lagu duugay ayaa ahaa heshiis ama is afgarad bulshada Soomaliyeed dhaxal siin kara hoog iyo halaag keenaya in tobanaanka sano ee soo socda ay gabi ahaanba dalka la wareegaan Xabshida Itoobiya, waxaana damacaas kaalin wayn ka qaadanaya dhisida maamul gobaleedyo taabacsan Xabashida oo si toosa uga amar qaata Addis Ababa, sida aad dhawanahan ku arkayseen Siyaasiyiin sicad Itoobiya uga dhex taageeraya gudaha Baarlamaanka Dawlada Fadaraalka.
Waxaan lawada soconaa xukuumada fadaraalka ah ee maanta ka jirta dalka ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud, inaysan lahayn ciidamo badeed oo awood u leh inay difaacaan biyaha Soomaaliya, taas iskaba daaye waxay qayb ka yihiin boobka khayraadka Badda, kuwaas oo qandaraasyo sanado badan soconaya la galay shirkado shisheeye oo biyaha Soomaaliya ka sameeya kaluumaysi sharci daro ah.
Damaca Itoobiya ee Badda maaha mid bilowday bilowga sanadkan 2024-ka balse waa mid soo jiitamayay sanado badan, dhawaan markii ay qaar kamida mas’uuliyiinta ka tirsan dawladda Fadaraalku ay ka hadleen hishiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee Badda, waxaa warbaahinta ka hadlay mid kamida Siyaasiyiinta Itoobiya, wuxuuna hadal cad oo Soomaalidu ay wax ku fahmi karaan ka yiri arinta damaca Itoobiya ee Badda, isagoo cadeeyay ujeedada ka dambaysa ee ay Itoobiyo ka leedahay heshiiska Musa Biixi.
Wuxuu yiri Siyaasigaas, “dadka Soomalida ah ee hada ka dhiidhinaya heshiiska aan ku qadanayno qaybo kamida Badda Soomaaliya, waxaan u sheegayaa, maxay uga hadli waayeen intaan soo tababaranaynay ciidamada Badda ? maxayse u baraarugi waayeen intaan soo ibsanaynay marakibta Badda anakoon lahay wax bad ah”.
Hadalka siyaasigan ayaa cadeeyay damaca ay Itoobiyo ku doonayso hishiiskaas Badda iyo kasii mid ahaan shiyaha ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan, waxayna u arkaan dhalanteedkii ay waayo badan ku taamayeen inuu u dhaboobay oo ay u heleen bidhi qaatayaal u saxiixa dhamaan dhulkii Soomaaliyeed.
Maxaa marka la gudboon shacabka Soomaliyeed ee dushooda lagu dul shaxayo danaha dalkoodana aan dhaq jalaq u siin, kii fadhiga ka kiciyana looga dhigay inuu ayaga duulaan ku yahay, waxaa la gudboon bulshada Soomaaliyeed inay talaabooyinkan soo socda qaadaan:-
Marka koowaad waa Inaan ku dhaqanka shareecada Allaah usoo laabaanaa oo aynu tuuraan dhamaan xeerarka kufriga ah ee aan ku badalanay sharcigii Allaah, qawaanintan gacan ku rimiska ah ee ay gaaladu inoo soo dusiyeen ayaa ah musiibada koowaad ee umaddena haysata.
Mida Labaad waa in aynu fadhiga ka kacno oo aan taariikhda jiritaan keena ilaashano, dhanka kalana aan iska hor leexino dhamaan dabadhilifyada Soomaliyeed ee karaamadoodii dhaafsaday dhaldhalaalka aduunyo, kuwaas oo hurmuud u ah damacyada guracan ee ay shisheeyuhu ka lee yihiin dalkeena.
Talada Sadexaad, waa in aan dhamanteen qoriga qaadnaa, sida Labatan jirka Xabashiga ah uu ugu taamayo qabsasha dhulkeena, waa in Toban jiradeenu ugu tartamaan sidii ay u xorayn lahaa yeen jigjiga iyo Herar.
WQ: Guuleed Maxamed Cismaan