DARAASAD MARAYKAN AH: Kumanaanka askari ee DF Somaliya uma babac dhigi karaan koox yar oo Al-Shabaab ah.

4
0

Waxa loogu yeero Institute for the Study of War oo ah machad diiradda saara dagaallada iyo arrimaha ammaanka xaruntiisuna tahay Washington D.C, ayaa warbixin dheer ka qoray jabka maleeshiyaadka DF Somaliya kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo sidoo kale biyo-dhaca guullaha ay ku tallaabsadeen xoogagga Al-Shabaab.

Warbixintu waxay xustay in dhabar-jab xooggani uu soo gaaray maleeshiyaadka Villa Somaliya kadib markii xoogagga Al-Shabaab ay la wareegeen gacan-ku-haynta goobo istaraatiijiya oo ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay in tan iyo bilowgii March 2025 uu machadku diiwaan-geliyey deggaanno iyo tuulooyin far badan oo jihaadiyiintu ay la wareegeen, taas oo sahashay xoojinta koboca awoodeed ee dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan bartamaha Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Soomaaliya ayuu machadkani ku tilmaamay kuwo aad u tabar daran, isla markaana Kumanaankooda askari aanay u babac-dhigi karin koox yar oo jihaadiyiin ah, sidii dhawaan ka dhacday ayuu yiri dagaalkii degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa kale oo machadka ISW, ka dhawaajiyey in goobihii ay ka baxeen ciidamada midawga Afrika lagu wareejiyey maleeshiyaad aan diyaarsanayn, kuwaas oo la sheegay in saraakiishoodu ku andacootay hoos u dhac ku yimid taageeradii dhinaca cirka ee ay ka heli jireen shisheeyaha.

Institute for the Study of War waxa uu ka dhawaajiyey in tan iyo bilawgii sannadkan 2025 la fuliyey ugu yaraan 50 weerar oo dhinac cirka ah, balse duqaymahaasi ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, kadib markii ay awood u yeelan waayeen inay hakiyaan horumarrada ballaaran ee ay samaynayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Guullaha jihaadiyiinta ee iska soo daba dhacaya ayay daraasaddu xustay in fashil iyo dibu-dhac istaraatiijiyadeed uu ku yahay kooxda Villa Soomaaliya, isla markaana ay wajahayso culaysyo baaxad leh oo soo food-saaray deggaannada ay maleeshiyaadkoodu u baqa-carareen.

Sidoo kale daraasaddu waxay ka sanqarisay in taqadumka Al-Shabaab uu gebi ahaanba burburiyay dedaallada gulufkii xoogganaa ee ka dhanka ahaa jihaadiyiinta ee 2022, kaas oo Maraykanka iyo guud ahaan shisheeyuhu ay ku barbar-taagnaayeen kooxda Villa Soomaaliya.

Machadkan qaabilsan daraasaadka dagaallada ee laga leeyahay Maraykanka, ayaa hoosta ka xariiqay in khasaarahan ballaaran ee soo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte uu wiiqi doono kalsoonidoodii gudaha iyo dibadda, isla markaana aan rajo laga qabin inay kasoo kabtaan jabkaasi soo gaaray.

Warbixinta ISW ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in jihaadiyiintu ay kaabiga ku hayaan Muqdisho, isla markaana ay wujuud xooggan ku leeyihiin daafaha magaallada, lana wareegeen qaar ka mida deggaannadii ugu muhiimsanaa ee laga difaacayay caasimadda sida Aw-dheegle, Bariire iyo Sabiid.

Hawl-gallada kala duwan ee ay xoogagga Al-Shabaab ka fulinayaan gudaha iyo hareeraha caasimadda ayay warbixintu tilmaantay inay sii xoogaysanayaan marba marka ka dambaysa, isla markaana sida ay tebisay warbaahinta Al-Shabaab la arkay jihaadiyiinta oo ku roondaynaya jidka mara duleedka Muqdisho.

Institute for the Study of War waxa uu tilmaamay in guulaha ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka gaareen bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya ay ifafaalo u yihiin isla markaana ay fudaydin doonaan inay si sahlan ula wareegaan magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

FG: Daraasada Waxaa Tarjamay Somalimemo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here