Dublamaasiyiin sare oo ka kala socda dawladaha Iran, Ruushka iyo Shiinaha ayaa maanta ku kulmay magaalada Beijing si ay uga wada hadlaan arrimaha Nukliyeerka Iran, sida uu sheegay TV-ga Shiinaha, maalmo kadib markii Iran ay diiday amarrada Mareykanka ee ahaa in ay dib u bilowdo wadahadal ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Telefiishanka CCTV ee ay dawladdu maamusho ayaa sheegay, in Saddexda dhinac ay isku dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrinta Nukliyeerka Iran iyo arrimo kale oo dhinacyada dan u ah.
Iran ayaa heshiis la gashay Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka 2015-kii, heshiiskaas oo ay ku ogolaatay inay xaddiddo barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabataynta caalamiga ah.
Balse madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska sanadkii 2018-kii, kolkaas oo uu xilka hayay. Toddobaadkii hore, Trump wuxuu sheegay, inuu warqad u diray hoggaanka Iran, warqadaas oo daarnayd wadahadal lala yeesho dalkaas, iyadoo reer Galbeedku ka cabsi qabaan, in Iran ay si degdeg ah ugu soo dhawaato awoodda hubka Nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay, in aysan wax wada xaajood ah la geli doonin Mareykanka, dalkiisana uusan u hoggaansami doonin amarada Mareykanka ee ku aaddan wada xaajoodka.