Ku dhawaad 15 hogaamiye oo ka tirsan xulafada Ukraine ayaa shir madaxeed ku yeeshay London Axadii ina dhaaftay si ay uga wada hadlaan arinta dammaanad qaadka cusub ee amaanka Yurub, iyadoo laga cabsi qabo in Washington ay faraha kala baxdo arrimahaasi, taasoo sare u kacday kadib markii ay isku dhaceen madaxweyne Trump iyo Zelensky.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa sheegay, in dadkii ku shiray shir madaxeedka London ee lagu taageerayo Ukraine ay isku raaceen in la sameeyo isbahaysi ay ku doonayaan inay ku difaacdaan heshiis kasta oo nabadeed oo laga gaara dagaalka Ukraine.
Starmer ayaa intaa ku daray, in dalalka Yurub ay wadaan qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, iyagoo kala hadlaaya Mareykanka.
Arintaan ayaa kusoo aadayso, iyadoo Zelensky uu ka qayb galay kulan ka dhacay Washington Jimcihii la soo dhaafay, kaas oo uu la yeeshay Trump iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, si uu taageero dheeraad ah ugu helo dagaalka Kyiv ee ka dhanka ah Moscow.
Laakiin Zelensky ayaa laga soo cayriyay Aqalka Cad ee loo arimiyo Mareykanka, kadib markii uu kulanku isku bedelay dagaal afka ah oo aan hore loo arag, Madaxweynaha Maraykanku ayaana ugu hanjabay Zelensky inuu ka tago Ukraine haddii uusan wax tanaasul ah samaynin si uu u xaliyo khilaafka kala dhexeeya Ruushka.