Dawladda Bakistaan oo Duqaymo Culus ku Garaacday Magaalo Dhacda Gobalka Kashmiir Qaybta Hoos tagta Maamulka Dalka Hindiya.

14
0

Duqeymo culus ayaa lagasoo sheegayaa in ay xalay fiidkii ka dhaceen gobalka Kashmir qaybtiisa ay maamusho dawladda Hindiya, halka ay sida gaar ah uga dhaceen duqaymaha xooggan ayaa ah xad beenaadka kala qaybiya gobalkaas, sida ay sheegeen booliska Hindiya.

Magaalada Uri oo ah halka ay bartilmaameedsadeen gantaalada dawladda Bakistaan ayaa wax ka yar 2 mayl u jirta xudka Xakamaynta ee labada dawladood, illaa hada ma jiro wax khasaare ah oo kasoo baxay weerarkaas, inkasta oo uu ahaa hawgal culus.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhex qarxay labadan dal, dawladda Bakistaan ayaa dhulka soo dhigtay tiro diyaarado ah, kuwaas oo qaar kamida ah ay dawladda Hindiya kasoo gadatay dalka Faransiiska, taas oo fadeexad iyo sumcad daro ku noqotay warshadaha Faransiiska, kaddib markii diyaaradahooda ay nidaamka difaaca hawada ee Bakistaan kusoo rideen saacado gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here