Dawladda Kuba oo Wajahaysa Duufaan aad Udaran oo ay Roobab la Socdaan.

32
0

Madaxweynaha dawladda Kuba  ninka lagu magacaabo Miguel Diaz-Canel, ayaa Shalay oo Isniin ahayd, ku dhawaaqay dhimashada ugu yaraan lix qof kadib markii duufaanta nooca loo yaqaana Oscar ay ku dhufatay bariga Kuba.

Xilli inta badan jasiiraddaas ay weli la il daran tahay koronto la’aan, Kadib markay duufaanta Burburisay shabakadii Korontada ee dalka, taas oo keentay in ku dhawaad ​​10 milyan oo qof ay korontadu ka go’da habaynnkii afaraad oo xiriir ah, Korontada Kuba ayaana hakad gashay subaxnimadii jimcaha ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Kuba  ayaa shaaciyay, in  gabi ahaan gobalka Guantanamo ay biyo la’aan ka  jirta, isla markaana gurmad aan la gaarsiin karin goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, Maamulka gobalkaas ayaa sidoo kala sheegay, in ugu yaraan 1,000 guri ay waxyeelo soo gaartay, duufaanta ayaa waxaa kale oo la socda roobab mahiigaan ah oo ka da’aya bariga Kuba iyo koonfur-galbeed ee jaziiradda Bahamas.

Madaxweynaha Kuba ayaa tilmaamay, in uusan ka qeybgali doonin shirka dawladaha loo soo gaabiya BRICS, ee lagu wado in lagu qabto magaalada Kazan ee dalka Ruushka, kaas oo bilaabanaya maanta oo Talaado ah, sababo la xiriira xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay duufaanta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here