Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Aljazeera in Labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamada ammaank ee dalka Suuriya xireen saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa haraadigii dawladdii Suuriya ee burburtay.
Ilahan ayaa sheegay, in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay leedahay wasaaradda gaashaandhigga ee Suuriya ay howlgal isku shaandheyn ah ka fuliyeen cirka magaalada Tartus.
Waxa ay tilmaameen, in la xiray Fakhri Darwiish, oo ahaa agaasimaha xafiiska taliyaha “Guutada Al-Qudus” oo ahayd koox hubaysan oo daacad u ahayd maamulkii xukunka laga tuuray ee ka ariminayay dagmada Xalab, kaas oo taabacsana nidaamkii Bashaar Al-Asad.
Ilahan ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Shujaa Al-Cali oo mas’uul ka ahaa xasuuqii Xuulah ee ka dhacay baadiyaha Ximis iyo taliyihii waxa loogu yeero Maleeshiyada Difaaca Qaranka.
Dhanka kale, Wakaalladda Wararka ee Suuriya oo soo xiganaysa Waaxda Ammaanka Guud ee gobalka Latakiya ayaa sheegtay, in xabsiga loo taxaabay Hayyan Mia, kaasi oo mas’uul ka ahaa tiro dambiyo waaweyn oo ka dhan ahaa shacabka Suuriya.
Dawladd cusub ee Suuriya ayaa ku raad joogta mujrimiintii waa-waynaa ee uqaabilsana Bashaar Assad xasuuqa dadka shacabka, iyadoo qaarkood cadaaladda la mariyay, halka kuwa soo harayna ay ku raad joogta dawladdu.