Dawladda Iiraan oo ku Hanjabtay in ay Weerari Doonto Saldhigyada Mareykanka ee Gobalka haddii Labartilmaameedsado Xarumeeda Nukliyeerka.

16
0

Dowladda Iiraan ayaa si cad u shaacisay, in ay qaadi doonto talaabo milatari hadii ay fashilmaamaan wadahadallada Nukliyeerka ee ay kula jirto Maraykanka, isla markaana weerar lagusoo qaado xarumaheeda Nukliyeerka, waxayna Tehraan ku hanjabtay inay hawgallo culus la beegsan doonto saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla gobolka.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya, in Mareykanku uu sii wado cadaadiska uu ku hayo Tehraan, iyadoo Doonal Taraam uu mar kale ku hanjabay in duqeyn lala beegsan doono Iiraan haddii aysan ogolaan heshiis cusub.

Labada dhinac ayaa weli ku muransan kobaca Yuraaniyowmka iyo barnaamijyada gantaallada ee Iiraan, taas oo caqabad weyn ku ah wadahadallada u socda labada dhinac. Kulamada xiga ee wadahadallada ayaana loo balansan yahay in uu ka furmo dalka Cumaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here