Dawladda Iiran oo Gacanta ku Dhigtay Labo Markab oo Tahriibinayay Shiidaalka Dalkaas.

7
0

Dawladda Iiran ayaa ku dhawaaqday shalay Talaadadii, inay gacanta ku dhigtay Labo markab oo si qarsoodi ah shidaalka dalkaas ugu tahriibinayay wadamada caalamka, sida ay sheegtay warbaahinta Iiran.

Wakaaladda wararka ee Faaris Niyuus Ajensi ayaa kusoo warantay, in ciidamada badda ee ilaalada kacaanka ay qabteen labo markab, kuwaas oo watay calanka dalka Tanzania. Labadan markab ayaana tahriibinayay in kabadan 1.5 Millyan oo litir oo shidaal ah.

Ciidamada Iran ee ilaalada xeebaha ayaa si joogto ah ugu dhawaaqa, qabashada maraakiib laga leeyahay wadamo kale, iyagoo ku hawlan tahriibinta shiidaanka Iiraan, kaas oo lagu tiriyo inuu kamid yahay kuwa ugu hooseeya adduunka dhanka qiimaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here