Dawladda ingiriiska ayaa udiideeday fiisaha dal ku galka Wiil uu awoow u yahay hogaamiyihii geeriyooday ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela, kaas oo lagu magacaabo Lenkosi Zweliville Mandela, kadib markuu jeediyay hadallo uu ku taageerayo muqaawamada Falastiin iyo hawgalka duufaanta Al-aqsa, arinkaas oo muujanaya heerka uu gaarsiisanyahay cadaawadda ay Islaamka iyo Mulimiinta u hayso Boqortooyada Ingiriiska.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Ingiriiska, ayaa eedaymo looga dhigay Lenkosi, in uu qoraallo ku daabacay baraha bulshada oo uu ku taageerayo weerarkii 7-dii October, waxayna muujisay Wasaaradda, in ay walaac ka qabto in ay booqashadiisa horseeddo xurguf u dhexeysa bulshada ku nool dalka Britain.
Waxayna raacisay Wasaaradda, in danta bulshada Britain ay u baahan tahay inaanan ninkaas loo ogolaanin inuu gudaha u galo dalkaas, si loo ilaaliyo ammaanka shacabka, loogana hortago qalalaasaha ka dhalan kara booqashadiisa, waa siday hadalka udhigtay Wasaaradda.
Lenkosi oo ka hadlay go’aanka loogu diiday fiisaha UK, ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono in uu codkiisa ku taageero Falastiin.
Lenkosi Zweliville Mandela, ayaa caan ku ah taageeridda Falastiin, xilli ay kuwii dad iyo diinba u xigay ay khudlaaniyeen, wuxuuna qorsheynayay in uu booqda bishan dalka Ingiriiska, si uu uga qaybgalo banaanbaxyo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, kuwaas oo lagu wado inay ka qabsooman qaar kamid ah magaalooyinka dalkaas.