Dawladda Ingriiska oo Sheegtay Inay Tababar Dheeraad ah Siin Doonto Saraakiisa Ciidamada Ukraine.

10
0

Britain oo ah dal aad u taageera dagaalka ay Ukraine kula jirto Ruushka ayaa sheegay, inay kordhin doonaan  dadaalka ay ku tababarayaan askarta Ukraine, kuwaas oo la doonayo in looga hor tago ciidamada Ruushka.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain ayaa sheegtay, inay filayso in 180 taliye oo Yukreeniyaan ah, ay ka qaybgalaan tababar ciidan, kaas oo ay bixinayaan khabiiro ku takhasusay Ciidanka oo kamida saraakiisha Ingiriiska, sanadkan soo socda ee 2025-ka ayaa la filayaa inuu sanadkaan 2024-ka dheeraado tababarka 100 taliye.

Maraykanka iyo dalal kale oo kamida Midowga Yurub ayaa ciidamada Ukraine ka taageeraya qalabka iyo tababarada milateri tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee February 2022-kii, kaas oo ay Ukrainiyaanka ugu muujinayaan garab istaag buuxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here