Dawladda Iran oo Cambaareysay Cunaqabateynta Dhaqaale ee uu Mareykanka Kusoo Rogay Dalkaas.

22
0

Iran ayaa cambaareysay cunaqabateynta dhaqaale ee cusub ee uu Mareykanka kusoo rogay, iyadoo ku tilmaantay tallaabooyinka lagu beegsanayo hay’adaha Iran ee lagu eedeeyay inay Shiinaha ka iibinayaan saliida ceyriin.

“Go’aanka dowladda cusub ee Mareykanka ee ay ku cadaadinayso dadka Iran iyadoo ka hortagaysa ganacsiga sharciga ah ee Iran ay la leedahay saaxiibadeeda dhaqaalaha, waxaan u aragnaa tallaabo sharci darro ah,” waxaa sidaas yirir afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Esmail Baghaei.

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqday inay soo rogtay cunaqabateyn lagu bartilmaameedsanayo “shabakad caalami ah oo fududeysa wareejinta malaayiin fuusto oo saliid ah oo lagasoo saaro gudaha Iran, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo boqolaal milyan oo doolar, Wasaaraddu waxay sheegtay in cunaqabateyntan lagu soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado ku sugan dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya iyo Imaaraadka Carabta.

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay, in shabakaddahan ay dakhli dhaqaale oo xooggan siiyaan ciidamada Iran, taasoo u oggolaanaysa inay ku maal galiyaan ururada taabacsan Iran ee Xuutiyiinta iyo Xisbullaah.

Cunaqabateyntan ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump, isagoo  horey u ballan qaaday inuu dhimayo saliidda Iran ay u dhoofiso dalalka kale, iyadoo Mareykanku uu isku dayayo inuu ka hortago Tehran inay hesho hubka Nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here