Dawladda Iran ayaa soo bandhigtay nidaamka difaaceedka hawada ee riddada dheer ee uu sameeyay Ruushka intii lagu guda jiray dhoolatus milatari oo dhacay maanta oo Arbaco ah, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay, in Tehran aysan waligeed yeelan karin hubka Nukliyeerka.
Bandhiga Iran ayaa yimid kaddib markii Yahuuddu ay sheegtay, in ay si weyn u wiiqday awooddii difaac ee Tehran oo ay ku qaadday weerarro ay fulisay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Dhoolatuskan ayaa dhacay maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu la kulmay Trump oo ay ka wadahadleen arrimaha gobolka oo uu ku jiro barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
26-kii Oktoobar, militariga Yahuudda ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen warshado lagu farsameeyo gantaallada iyo goobo kale oo u dhow Tehran iyo galbeedka Iran. Kaddib markii Iran ay weerar ku qaaday Yahuudda 1-dii Oktoobar.