Dawladda Iran oo Ku Adkaysatay Sii Wadista Barnaamijkeeda Nukliyeerka Xitaa Haddii ay Heshiis La Gaari Waayaan Mareykanka.

7
0

Dawladda Iran ayaa si cad u sheegtay, inaysan joojin doonin takhliilka Yuraaniyaamka ee ay ku barnaamijkooda Nukliyeerka, xitaa haddii wadahadallada Nukliyeerka ee kala dhexeeya Mareykanka uu guuldareysto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabaas Arakji, ayaa sheegay in barnaamijka Nukliyeerka ee dalkiisu uu yahay mid lagu gaari doono horumar tamareed, isla markaana aysan ogolaan doonin wax faragelin ah oo lagu yareynayo heerka takhliilka.

Maamulada Maraykanka iyo Yahuudda ayaa suxul duub ugu jira sidii loo hor istaagi lagaa in ay Iiraan yeelato hub Nukliyeer ah, kuwaas oo marar badan ugu hanjabay Tehraan inay ku qaadi doonaan weerarro toos ah hadaysan joojin hor marinta awoodeeda Nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here