Dawladda Jarmalka oo Mamnuucday inay Dalkeeda soo Galaan Xubnihii ka Tirsanaa Dawladdii Suuriya ee Burburtay.

17
0

Wasiirada arrimaha dibadda ee Jarmalka haweenayda lagu magacaabo Annalena Baerbock iyo wasiiradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa uga digay dhammaan taageerayaasha nidaamkii Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya in ay ku dhuuntaan gudaha Jarmalka.

Annalena ayaana tiri: “Qof kasta oo ka mid ah danbiilayaashii nidaamkii Bishaar Al-Asad ee ku fekeraya inuu u baxsado Jarmalka, waxaan si cad u leeyahay, Waaan la xisaabtami doonaa dhammaan wakiiladii nidaamka Al-Assad, inagoo adeegsan doona awoodda ugu sareysa ee qaanuunkeenna”.

Waxay intaas ku dartay, in ay waajib ku tahay hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka caalamiga ah in ay arrintan si dhow isaga kaashadaan.

Dhankeeda, Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka, ayaa sheegtay inay jiraan baaritaanno dhanka ammaanka ah oo laga sameeyay xuduudaha, waxayna tiri “haddii taageerayaasha Nidaamka Assad ay isku dayaan inay usoo baxsadaan Jarmalka, waa inay ogaadaan inuusan jirin waddan si adag ugu daba-tagaya dambiyadooda sida Jarmalka oo kale”. Waa sideey hadalka udhigtaye.

Wax yar kadib markii uu dhacay burburka Nidaamka Bishaar Al-Asad 8-dii bishan, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Jarmalka waxa ay ku baaqay, in Assad lagula xisaabtami doono gabood falladii uu ka geystay dalka Suuriya.

Balse dawladaha reer Galbeedka ayaa ninkaas ku daawanayay sanooyinka badan ee uu xasuuqayay shacab Muslimka ah ee reer Suuriya, waxa ay xiligan la qaylinayaana waa inay hagardaamooyinka hor leh umaleegaan maamulka cusub ee mardhaw ka hana-qaaday  Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here