Waxaa khilaaf aad udaran uu ka dhex qarxay dawladaha Jarmalka iyo Iran kas oo garay heer safaaradaha lakala qaata, khilaafkaas ayaana salka ku haya dil ay Iran ku fulisay nin haysto dhalasha Labo geesood ah, kaas oo horey loogu soo eedeeyay danbiya la xariira inu weerarro ka gaystay dalka Iran.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay, in xukunka dilka ah ee lagu fuliyay muwaadin Jarmal ah oo asal ahaan kasoo jeeda Iran, kaas oo lagu magacaabo Jamshid Sharmahd, uu si xun u wiiqayo xiriirkii diblumaasiyadeed ee udhaxeeyay Labada dal.
Jarmalku waxa uu u yeeray danjirihii u fadhiyay Iran, waxa kale oo uu u yeeray sii hayaha hwlaha Iran ee Berlin , si uu umuujiyo dareenkiisa ku aadan mudaharaad xooggan oo ay Berlin kaga soo horjeedo xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Jamshid, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaana sheegay, in safiirka Jarmalka uu saaka kasoo dhoofay dalka Iran.
Dhankeeda, Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, haweenayda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa si kulul ucambaaraysay falkaas, waxayna carrabka ku adkaysay in dilka muwaadin Jarmal ah ay ka dhalan doonta cawaaqib xun.
Jamshid Sharmahd oo ahaa 69 jir ayaa ku dhacay gacanta laamaha ammaanka ee Iran, dabayaaqadii bishii Luulyo ee sanaddii 2020, Waxaana lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar dhacay bishii Abriil 2008 dii, kaas oo lagu qaaday masaajid ku yaalla magaalada Shiraz ee koonfurta Iran, weerarkaas oo galaaftay nolosha 14 qof, qoyskiisa ayaana beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay Jamshid.
Balse ugu danbayntii xukuumdda Iran ayaa xukun dil ah ku fulisay Jamshid Isniintii lasoo dhaafay, sida uu sheegay garsoorka dalkaas.