Kaddib hawlgalkii qorshaysnaa ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo qabteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Kenya, ayay dawladdaasi waxay isku dayaysaa inay mas’uuliyiintaas kusoo furato qaab gorgortan ah.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay, in maamulka dalkaasi uu doonayo inay adeegsadaan odayaal dhaqameed Soomaali ah, si ay wada xaajood ula galaan Xarakada Al-Shabaab oo shalay isniintii gacanta ku dhigtay mas’uuliyiin Kenya ugu magacawnaa gobalka NFD ee gumaysiga Kenya ku hoos jira.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan mas’uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay, in adeegsiga oday dhaqameedyadu ay yihiin xalka kaliya ee lagusoo furan karo mas’uuliyiinta ay gacanta ku dhigeen xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro noocan oo kale ah ka fulisay gudaha dalka kenya gaar ahaan gobalka Mandhera, kuwaas oo lagusoo qabtay dhakhatiir iyo shaqaale dawladeed oo ka tirsan maamulka Kenya.