Dawladda Mexico oo 10 Kun oo Askari Geysay Xadka ay la Wadaagta Dalka Mareykanka.

22
0

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo wax looga qabanayo xuduudka uu la wadaago wadamada Mexico iyo Canada, in kasta oo uu hoos u dhac weyn ku yimid socdaalkii dadka soo galootiga ahaa ee dalkaas gali jiray.

Masuul ka tirsan xukuumada Mexico ayaa sheegay, in ay gayn doonaan xuduudka uu dalkaasi la wadaago dalka Maraykanka, 10 Kun oo askari, kaddib markii  uu Donald Trump uu ku hanjabay inuu soo rogi doono canshuuro dheeri ah hadaysan Mexico xakamayn dadka soo galootiga ah ee dalkeeda kasoo gudbaya.

Arintan ayaa timid kaddib mudo todobaad ah oo ay rabshado ka socdeen xadka labadan dal ay wadaagaan, taas oo ay keentay canshuraha xad dhaafka ah ee lagusoo rogay. Taa baddalkeeda, madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa ballan qaaday in ay u diri doonaan xuduuka ciidamo xooggan oo ka hortaga ka ganacsiga daroogada fentanyl.

Kaddib markii uu Trump kusoo laabtay aqalka cad, wuxuu ku dhawaaqay sharciyad uu kaga hortagayo soogalootiga iyo daroogada xad dhaafka ah ee fentanyl, taas oo loo dhoofiyo gudaha dalka Maraykanka.

Sidoo waxyaabaha uu xanimaada kusoo rogay Trump waxaa kamid ah hubka sharcidarada ah ee lasoo galinayo dalka, taas oo sii hurineysa rabshadaha kooxaha burcadda ah ee ku sii fidaya qeybo ka mid ah dalkaas, xili kooxaha burcadka ah ee ku sugan gudaha dalka Maraykanku ay boob iyo dhac u gaysanayaan dadka soo galootiga ah iyo dadka Islaamka ah ee dalkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here