Dawladda Ruushka oo ku Dhawaaqday Dib Uqabsashada Guud Ahaan Gobalka Kursk.

10
0

Ciidamada Ruushka ayaa sheegtay inay gabi ahaanba la wareegeen gobolka Kursk ee dhaca xadka u dhaxeeya Ruushka iyo Yukrayn, halkaas oo mudooyinkii dambe ay kasocdeen dagaallo qaraar oo galaaftay nolosha boqolaal askar ah oo labada dhinac ka kala tirsan.

Milateriga Ruushka ayaa shalay Talaadadii ku dhawaaqay, inay ciidamada Ukraine ka saareen deegaan lagu magacaabo Guyevo oo ka tirsan gobolka Kursk ee Ruushka, waxayna duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen fariisimihii ay ciidamada Yukrayn kaga sugnaayeen deegaanka, taas oo ugu dambayntii keentay inay si dhamaystiran uga baxaan deegaanka.

Tan iyo bishii August ee sanadkii hore, ciidamada Ruushka ayaa isku dayayay inay dib ula wareegaan gacan ku haynta gobalkan, kaddib markii ciidamada Kyiv ay si lama filaan ah u galeen deegaano dhaca gobalkaas. Madaxweynaha Yukreeniyaan ayaana qabsashada Krusk u arkayay inay u noqon karto fursadĀ  uu kusoo ceshan karo gobalada laga haysto ee gudaha Yukrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here