Dawladda Senegal oo Gudi u Saartay ka Bixitaanka Ciidamada Faransiiska ee Dalkeeda.

20
0

Faransiiska iyo Senegal ayaa go’aan ku gaaray inay dhisaan guddi wadajir ah oo qabanqaabinaya shuruudaha ka bixitaanka ciidamada Faransiiska ee dalka Senegal, iyadoo Paris ay ka baxayso in ka badan boqolkiiba 70% dalalka Afrika ee ay ciidamadu ka joogaan.

Go’aanka lagu sameeyay guddigan ayaa lagu shaaciyay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska ninka lagu magacaabo Jean-Noël Barrot iyo dhiggiisa Senegal Yassina Fall, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in go’aan lagu gaaray in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo soo saara shuruudaha ka bixitaanka ciidamada Faransiiska ee Senegal, kaas oo  la soo gabagabaynayo dhamaadka sanadkan 2025-ka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in labada dal ay qorsheynayaan in ay ka wada shaqeeyaan iskaashi cusub oo dhanka difaaca iyo amniga ah, kaas oo tixgalinaya muhiimadaha istaraatiijiga ah ee dhammaan dhinacyada.

Dhowaan, Faransiiska ayaa lagu qasbay inuu ka baxo in ka badan boqolkiiba 70% wadamada Afrikaanka ah ee ay ciidamadu ka joogeen, iyadoo ciidamada Faransiiska ee jooga dalka Jabuuti  ay gaarayaan 1,500 oo askari, halka dalka  Gabon ay joogaan ciidamo dhan 350 askari oo Faransiis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here