Ciidamada dawladda Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta gobolka Khartuum, iyaga oo sheegay in ay gebi ahaanba ka saareen maleeshiyaadkii Taagerada Degdegga ee ku sugnaa gobalkan, kaddib dagaallo culus oo muddo dheer socday, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii la qabsaday qasriga madaxtooyada bishii Maarso.
Dhinaca kale, ilo xog ogaal ah oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay, in maleeshiyaadka Dacmu Sariic ay gantaallo ku garaaceen xarunta caafimaadka ee ciidamada milatariga ee ku taalla magaalada Umdurmaan, kaddib markii maleeshiyaadka laga qabsaday hub iyo saanad ciidan oo taallay xaafadda Saalix ee Koonfurta magaaladaas.
Waxaa xusid mudan in muudooyinkii u dambeeyay ay ciidamada dawladda Suudaan deegaano hor leh kala wareegeen maleeshiyaadka Taageeradda Degdegga ah, kuwaas oo duqaymo aan kala sooc lahayn ka wada doogaanadii laga qabsaday.