Dawladda Suudaan oo Xiriirkii Diblumaasi u Jartay Boqortooyada Imaataadka Carabta.

13
0

Dawladda Suudaan ayaa shalay Talaadadii  ku dhawaaqday, inay jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dalka isutaga Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaarada difaaca ee xukuumada Khartuum.

War-saxaafadeedka kasoo baxay dawladda Suudaan ayaa lagu xusay, in dhamaan xiriirkiii diblumaasiyadeed ee ay dawladdasi lala lahayd Imaataadka Carabta gabi ahaanba la jaray, taas oo ku timi khilaafka soo jiitamayay ee ka dhex jira labada dawladood, iyada oo dawladaasi ay gabi ahaanba safaaradeedii kala baxday dalkaas.

Khilaafka labada dal ee xumaaday ayaa loo aanaynayaa garab istaaga dadban ee dawladda Imaataadka carabtu ay la garab taagan tahay xooggaga Taageerada dagdagga ah, kuwaas oo xasuuuqyo wuxuushnimo ah ka gaystay gobalada dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dhinteen kumanaan shacab ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay maleeshiyaadka Dacmu sariic ay duqaymo xooggan ku garaacayeen magaalada Boorti-Suudaan ee xarunta u ah maamulka Cabdifataax Al-Burhaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here