Dawladda Suudan ayaa xaqiijisay in ay beegsadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada Taageerada Degdegga ah, iyagoo sheegay inay dagaallo kafool kafool ah ay ku dileen askar ka tirsan maleshiyaadka RSF.
Ilo goobjoog ah ayaa soo sheegay, in 10 ka mid ah xooggaga Taageerada Degdegga ah lagu dilay iska horimaad ka dhacay Xaafadda Xaaji Yuusuf ee Bariga wabiga Niil, iyadoo ciidamada dawladdu ay sii wadaan gulufka ay kula jiraan maleshiyadka RSF.
Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa tilmaamay in ciidamada Suudan ay duqeeyeen goob ay ku suganaayeen xooggaga Taageerada Degdegga ah, kuwaas oo ka dagaalama gudaha caasimada Khartoum iyo Bara oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Al-Cubeyda ee xarunta gobolka Kordofan.
Gobolka Kordofan ee Waqooyiga Suudan, ayaa waxaa ka socda iska horimaadyo u dhaxeeya labada dhinac, kaas oo ay ciidamadu ku doonayaan inay ku xakameeyaan wadada isku xirta Galbeedka iyo Bariga Suudan.