Dawladda Suuriya oo Qaramada Midobay ka dalbatay in Ciidamada Yahuudda laga saaro koonfurta dalkaas.

25
0

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa ku warantay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Syria, Asaad al-Sheibani iyo Wasiirka Difaaca Murhaf Abu Qasra ay la kulmeen Wafdi ka socday QM oo uu ka mid ahaa ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo bilaabay booqasho uu ku tagayo bariga dhexe.

Ciidamada Suuriya ayaa si habacsanaan ah uga baxay fariisimihii ay ku lahaayeen koonfurta dalka ka hor inta aysan kooxaha hubeysan gaarin magaalada Dimishiq,  Saacado kadib dhicitaankii Bashaar Al-Asad, Yahuudda ayaa ku dhawaaqday in ciidamadoodu ay u gudbeen dhanka xadka Suuriya uu la wadaago maamulka Yahuudda.

Aagga difaaca ka caaggan ee buuraleyda Golan ayaa ku yaalla cirifka qaybta dhulka bannaanka ah ee Suuriya oo ay Israa’iil qabsatay 1967-kii, waxaanay ku dhawaaqday in ay la wareegtay 1981-kii, tallaabadaas oo aan beesha caalamku aqoonsanayn marka laga reebo Maraykanka.

Wasiirka Difaaca ee Yahuudda Yisrael Katz, ayaa sheegay Talaadadii in ciidamada Yahuuddu ay sii joogi doonaan  buuraha Hermon iyo aagga difaaca ka caagan ee Golan, isaga oo sheegay in aysan ogolaan doonin in ciidamo kale ay dhulkaas qabsadaan.

Bishii Disembar, hoggaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa cambaareeyay soo gelitaanka ciidamada Yahuudda, isagoo ku nuux-nuux saday in xaaladda hadda ka jirta dalka Suuriya aysan u ogolayn in ay dawladiisu dagaal gasho.

Wax yar kaddib markii Bashaar Al-asad uu dhacay,  ciidamada Yahuudda ayaa qaaday boqollaal duqeymo ah oo xagga cirka ah, kuwaas oo ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidammada Suuriya ku lahaayeen gudaha dalkaas, weeraradaas ayay Yahuuddu uga gol lahaayeen burburinta awoodaha istiraatijiyadeed ee khatarta ku ah jiritaanka Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here