Dawladda Suuriya oo Saraakiil Cusub u Magacawday Xilal Kala Duwan.

27
0

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Suuriya ayaa sheegay, in wasaaraddu ay billowday qeybinta jagooyinka iyo cutubyada ciidamada ee qaab-dhismeedka cusub, iyagoo xusay in guddiga tirinta hubka ay daba gal ku sameynayaan hannaanka lagu kala dirayo kooxahaas.

Xogtu waxay sharraxday in Sarreeye Guuto An’ad Al-Darwish loo magacaabay mas’uulka arrimaha maamulka ee Wasaaradda Gaashaandhigga, halka Sarreeye Guuto Maxamed Mansuur loo magacaabay sarkaalka arrimaha saraakiisha ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Illahan kasoo baxaya dalka Suuriya ayaa sheegaya, in la sameeyay kooxo militari oo ka shaqayn doona magaalooyinka Dimishiq, Hama, Homs, Daraa, Idlib iyo Palmyra, iyagoo xaqiijinaya dib u habeynta iyo abaabulka ciidamada cirka iyo magacaabista dhowr sarkaal, si ay u qabtaan xilalka waaxyaha muhiimka ah ee Wasaaradda Difaaca, sida arrimaha saraakiisha iyo arrimaha maamulka.

Wararku waxay intaa ku darayaan in saraakiisha la magacaabay ay kala yihiin Haitham Al-Cali loo magacaabay taliyaha qaybta Xums, Binyan Axmed Al-Xariiri loo magacaabay taliyaha qaybta Daraca, halka Abu Al-Qasim Beit Jan loo magacaabay taliyaha ciidamada cirka ee Suuriya.

Xogta ayaa sheegeysa in Guddiga Hubka, Tirooyinka iyo Hantida ay ku howlan yihiin sidii ay u kala diri lahaayeen kooxahaasi, isla markaana ay gaareen heerar aad u wanaagsan, taasoo qeyb ka ah dadaallada la doonayo in lagu mideeyo kooxahaasi.

Illo ka tirsan militariga Suuriya ayaa horey u sheegay, in guddiga dib u habeynta uu sameeyay guddi gaar ah oo loo xilsaaray in ay soo sameeyaan tirokoob dhameystiran oo ka kooban dhammaan qeybaha kala duwan, iyadoo la tirinayo dhamaan askarta ka tirsan iyo hubka ay heystaan, si ay ugu diyaar garoobaan ka mid noqoshada ciidamada cusub.

Ciidamada Nabadsugida ayaa horey u dhigay baro-koontarool oo lagu baaro baabuurta, waxaana ay xoojiyeen baaritaanka dukumiintiyada shaqsiga ah, si loo soo qabto loona xiro kuwii qaybta ka ahaa xasuuqii lagula kacay shacabka Suuriya ee ka tirsanaa nidaamkii  Bashaar Al-Asad, iyadoo ay taasi barbar socoto howlgalada joogtada ah ee lagu hayo xarumaha ay degan yihiin xubnaha iyo saraakiisha Taliskii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here