Dawladda Turkiga oo Dalka Liibiya ka Daadguraysay ku Dhawaad 100 Xubnood oo Kasoo Jeeda Dalkeeda.

14
0

Dowladda Turkiga ayaa 82 muwaadin si degdeg ah uga daadgureysay magaalada Triboli ee caasimadda dalka Liibiya, kaddib markii ay halkaasi ka dhaceen iska horimaadyo hubeysan oo u dhexeeya ciidamo daacad u ah dhinacyada siyaasadeed ee isku haya talada dalkaas.

Daadgureyntan ayaana timid kaddib markii xaaladda ammaan ee magaalada Tiriboli ay si weyn u xumaatay, taas oo keentay dhimashada ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah, iyada oo uu hakad ku yimi duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Daadgureynta Turkiga ayaana muujineysa walaaca sii kordhaya ee ay dowladaha shisheeye ka qabaan xaaladda amni ee kusoo korortay Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here