Ciidamada Ukraine ayaa ku dhawaaqay, in nidaamyadooda difaaca cirka uu burburiyay 65 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo laga leeyahay dalka Ruushka, halka ciidamada Ruushkuna ay dhankooda sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba tuulo oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Ukraine.
Maamulka Kyiv ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in ciidamadoodu ay soo rideen diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo ka mid ahaa 111 diyaaradood oo uu Ruushku kusoo weeraray dalka Yukrayn.
Dhankiisa, Dmytro Chupenko, oo ah afhayeenka xafiiska dacwad oogaha magaalada Kyiv, ayaa muuqaal la soo galiyay Telegram ku sheegay, in lix weerar oo dhanka cirka ah lala beegsaday laba xaafadood oo ka tirsan Kharkiv, isagoo intaa ku daray in laba qof lagu dilay duqaymahaas.
Weeraradan ayaa imaanaya ayadoo madaxwaynaha Ruushka Volodymyr Putin uu diiday soo jeedintii Maraykanka iyo Ukraine ee ahayd xabbad joojinta 30-ka maalmood ah, wuxuuna dhankiisa soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.