Madaxa Xamaas ee Qaza, Khaliil al-Hayya, ayaa ku dhawaaqay dilka madaxii xafiiska siyaasadda ee xarakada xamaas Yahya al-Sinwar, oo saacadihii lasoo dhaafay maamulka Yahuuddu sheegtay inuu ku dilay dagaallo ka dhacay Marinka Qaza.
Hogaamiya Khaliil ayaa umadda Islaamka gaar-ahaan dadka reer falastiin, uga tacziiyay dilka Yahya Sinwar, Wuxuuna sheegay in dilka Yahya Sinwar iyo hogaamiyaashi ka horayba ay muqaawamada u kordhinayaan oo kaliya xoog, adkeysi iyo go’aan ku aadan in ay ku sii socdaan waddadii ay mareen.