12 qof ayaa ku dhimatay, halka 4 kalana ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay warshad lagu farsameeyo walxaha qarxa oo ku taalla tuulo hoostagta gobolka Balikesir ee Waqooyi-Galbeed ee dalka Turkiga.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegtay, in mas’uuliyiinta dalkaasi ay bilaabeen baaritaanno la xiriira dhacdadaas.
Guddoomiyaha gobolka Balikesir Ismaaciil Ustaoglu ayaa warbaahinta u sheegay, in qaraxa uu dhacay wax yar ka hor 8:30 subaxnimo, uuna ka dhashay cillad farsamo. Waa siduu warka udhigaya.
Ismaaciil Ostaoglu ayaa xaqiijiyay, in Afarta qof ee ku dhaawacantay qaraxa loo qaaday goobaha caafimaadka, si halkaasi loogu dabiibo, isagoo carabka ku adkeeyay, in xaaladooda aysan halis aheyn.
Sida ay sheegeen maamulka deegaanka, warshadda uu qaraxa ka dhacay ayaa soo saarta rasaas iyo walxaha qarxa oo ay adeegsadaan ciidamada madaniga ah. Warbaahinnada dalka Turkiga ayaa barta “X” ku baahiyay muuqaalo laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana lagu arkayay holac iyo qiiq ka baxayay warshadda xilliga uu qaraxa ka dhacayay, iyadoo muqaallo dambe oo laga soo qaaday uu muujinayay, biro iyo dhismo uu qaraxu burburiyay.
Guddoomiyaha gobolka ayaa goor sii horaysay sheegay, in qaraxa uu sidoo kale sababay in qeybo ka mid ah dhismaha warshadda uu dumo, waxaana markiiba goobta gaaray kooxaha gurmadka iyo kuwa dab-damiska, kuwaas oo la tacaalayay dabka ka kacay goobta.
Waxaa xusid mudan in Turkiga dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen dhacdooyin noocaan oo kale ah, iyagoo sababay dhimashada iyo dhaawaca tonnaan ruux, lamana oga inuu qaraxaan yahay mid iskiis ukacay iyo inuu yahay mid laga dambeeyay.