Guutada Al-Qassam ee garabka melleteri ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa maanta oo Isniin ah shaaca ka qaaday, in weerar kamiin ah udhigtay ciidamada Yahuudda oo ku suganaa magaalada Beyt Lahia, halka wargeys ka soo baxa Sahaayinada uu sheegay, in ciidamada Sahaayinada ay doonayeen in ay dhulka la simaan xerada Jabalia, lana dhamaystiro qorshaha lagu barakiciynayo Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Marinka Gaza.
Guutooyinku waxay ku sheegeen – bayaan ay soo dhigeen Telegram – in ay isku dhaceen ciidammada Yahuudda oo ku sugnaa guri ku dhow Masjidka Taiba ee bartamaha Beit Lahia, ciidamadaan Yahuudda oo ka koobnaa 10 askari ayaa uqaybsamay wax dhintay iyo wax dhaawacma.
Guutada Al-Qassam ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, in ay gantaalka Al-Yaasiin 105 la beegsatay taangi Yahuudda ay leedahay oo ku sugnaa isla wadadaas.
Weerarkan dhabba-galka ah ee ka dhacay Beit Lahia ayaa imaanaya, kaddib howlgalo xiriir ah oo ay Al-Qassam dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka fulisay waqooyiga iyo koonfurta marinka Gaza, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca askarta Sahaayinada.