Malatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Waxaana jira meydad iyo dhaawacyo soo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasoo ku wayxeeloobay dagaalka ka dhacay deegaanka.
Askarta maamulka Jubbalanad ee ka badbaaday dagaalka ayaa ka cararay Buulo-Xaaji, waxaana ciidamada Xarakada Al-Shabaab xabsiga magaalada kasii daayeen maxaabiis ku xirnaa.
Saldhiggii ciidamada Jubbaland ee deggaanka Buulo Xaaji ayay wararku tibaaxayaan in dagaalyahannadu ay burburiyeen gabi ahaantiisba. Waxaanay tallaabadani dharbaaxo kulul iyo dhiig-bax daran ku tahay maamulka Axmed-madoobe.