Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano (Axmed Madoobe) ayaa maanta markii saddexaad loo doortay madaxwaynaha maamul goboleedka Jubbaland.
Doorashada ayaa maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Natiijada doorashada ayaa ahayd mid horey loo sii ogaaa sababtoo ah Axmed Madoobe waxa uu ku caanbaxay inuu is doorto.
Dorashadaan waxaa Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo lagu kala magacaabo: Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, halka Axmed Madoobe uu helay 55 cod.
Raga la tartamay Axmed Madoobe ayee ku tilmaameen warbaahinta taageerta dowlada Xasan Sheekh dhanka kalana ka soo horjeeda siyaasadda Axmed Madoobe kuwo malxiiyaal u ah doorashada boobka ku dhisan ee Axmed Madoobe waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dowladda Federaalka uu hogaamiye Xasan Sheekh ayaa horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashada madaxtinimada Juballand, iyada oo boob ku eedeysay Axmed Madoobe.